Bukaanada Isbitaalada Ankara Oo..

Uncategorized

Howlwadeenada Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, ayaa lagu eedeeyay iney lacag baad ah waydiisatay Bukaanada Dhaawacyada qaba ee Soomaaliyeed kuna jira Isbitaaladda Ankara ee Dalka Turkiga, Saraakiishaasi ayaa ugu hanjaba Bukaanada in la celinaayo haddii aysan iska bixin khidmada baada ah.

Ilo xogogaal ayaa Aarka Diinah blogs u sheegay In Bukaano aan bogsan ayaa loo jaray Ticket-yadooda Muqdisho lagu geyn lahaa, Fadlan dhaawacyadaas haloo gurmado, sidaas waxaa laga soo xigtay Hooyo Soomaaliyeed.

Hooyadan Sawirkeedu u dhexeeyo labada Gabdhood ee Sariirta lagu daaweynayo saaran waa Hooyo Shariifo Maxamuud Rooble oo ay Qarax kaga dhimatay gabadheeda Faadumo Mqxamuud Axmed halka ay hadda ka dhaawacan tahay Aamina Maxamuud Axmed, waxa ay ka mid ahaayeen Ardaydii Jaamacadda Banaadir.

Waxaa kale oo dhaawacan Farxiyo Xasan Xuseen oo iyaduna dhiganaysay Jaamacadda Banaadir, sheekadda la yaabka leh ayaa ah in la yiri si qasab ah ayaa la idin kugu celinayaa Soomaaliya in ay caafimaadaan iska daaye xitaa ma istaagi karaan oo way jajaban yihiin Qaraxii dartiis.

Safaaradda Soomaaliya ayaa waydiisatay lacag dhan 2,000 oo dollar dadkan aan heysan xitaa lacag ay isku daaweeyaan, waxaa lagu yiri bixiya lacagtaas ama dalka ayaa la idiin celinayaa adinkoon caafimaadin.

14150cookie-checkBukaanada Isbitaalada Ankara Oo..