Digniino laga soo Saaray Dhibaatooyinka Ay Gabdhaha ka Dhaxlaan Daawooyinka la Isku Cadeeyo..

Health Somalia news

Waxaa qeylo dhaan iyo digniino ka soo yeereysaa Dhakhaatiirta iyo Waalidiinta ku aadan Gabdhaha iyo Haweenka da’doodu ka hooseyso 25-sano kuwaasoo la sheegay iney aad u isticmaalaan Daawooyinka la isku cadeeyo iyo Saameynta ay jirkooda ku reebaan kiimikadaan la isku qaso…

Wararka ayaa sheegaya in guud ahaan Gobolada Dalka uu saameyn ku yeeshay dhibaatadaan soo food saartay bukaanada Gabdhaha iyo Haweenka ee la tacaalaya cudurrada maqaarka oo ka dhashay kiimikada daawada ee ay sida qaldan u isticmaaleen, balse sanadahaan dambe ay gaartay heer aad u sareeya, kuwaasoo aan waxba laga qaban karin, Isticmaalka daawooyinka laysku cadeeyo ee dhibaatooyinka caafimaad gaysanaya oo horay magaalooyinka waaweyn ugu badnaa ayaa hadda gaaray bulshada miyiga, Ka sokow inay horseedaan in gabdhaha isticmaala ay u nugleeyaan in ay cuduro ku dhacaan, waxay dhaqaatiirtu sheegaan in sidoo kale ay saamayso caafimaadka dadka guryaha kula nool.

Dhakhaatiirka ayaa ka soo saaray Digniino la xiriirta dhibaatadaan waxeyna farta ku godeen in “ Cudurada ka dhashay is-cadaynta ay ku xiran tahay hadba xadka kiimikada ku jirta dawada iyo siday u kala xoog-badan yihiin, cudurada ka dhalan kara waxaa ka mid ah cudurkada ku dhaca maqaarka, sida maqaarka khafiifaya, xidida soo baxaya, cambaar, qawadka, xanuunka wejiga iyo qoortu waynaanto qofka, dhiig-kar, kansarka maqaarka ku dhaca, iyo in kelyaha iyo sambabada ay saamayso kiimikadu, dawooyinka kale oo jirka lagu soo celinayo ayaa lagu dawayn karaa, laakiin haday kelyuhu fariistaan ama Cancer ku dhaco heerka daweyntiisu at adag tahay.”

Waxaa baaq loo jeediyay Hey’adaha Amaanka iyo Wasaarada Caafimaada iney iska kaashadaan sidii wax looga qaban lahaa Dadka ka Ganacsada Dawooyinkaan la isku qasay oo aqoontooda iyo fahamkoodu hooseeyo ay baraha bulshada ku faafiyaan Dawooyinkaan, waxaana ka dhasha dhibaatadaan oo aan la xakameyn karin.

331790cookie-checkDigniino laga soo Saaray Dhibaatooyinka Ay Gabdhaha ka Dhaxlaan Daawooyinka la Isku Cadeeyo..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *