Maamulka Puntland Oo Ka Fekeraaya Kala Dirista Baarlamaanka Degaanka & Sababta ka Dambeysa..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Maamulka Deni ee Puntland uu ka fekeraayo sidii loo kala diri lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, kadib markii ay farsameysteen muddo kororsi hal sano ah, dhacdadaan ayaa ku biiriyay Khilaaf horey u taagnaa…

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi bixiyay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay mudda kordhinta sannadka ah ee uu samaystay Xildhibaanada Baarlamanka, isagoo intaasi raaciyay “in gebi ahaanba dikreeto Madaxweyne ama go’aan Maxkamadeed lagu kala dirayo Baarlamanka hadda jira islamarkaana la bilaabi doono xulista xildhibaanno cusub.

Laba qodob ayaa mid soo baxaya; Madaxeeynuhu inuu dikreeto soo saaro oo Baarlamanka kala diro iyo in Maxkamadda Dastuuriga ah xukun ka soo saarto oo buriso go’aankooda kadibna kala dirto” ayuu yiri, wuxuu kaloo intaasi raaciyay “Haddii ay diidaan oo sharciga u hoggaansami waayaan waa bilaa xasaanad waxay la mid yihiim dadka kale sharciga ayaana lagu qabanaya” ayuu sii raaciyay 

291900cookie-checkMaamulka Puntland Oo Ka Fekeraaya Kala Dirista Baarlamaanka Degaanka & Sababta ka Dambeysa..