Digniino Laga soo Saaray in UAE lagu Wareejiyo Maamulka Dekada Garacad…

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in Maamulka Dani ee Puntland uu mudooyinkii ugu dambeeyay waday culeys saar uu ku hayo Saamileyda Shirkada Wadaagsan ee Maamusha Dekeda Garacad ee Gobolka Mudug sidii ay ugu wareejin lahaayeen Dekada Shirkad ka soo jeeda UAE…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Xildhibaan Cabdiraxmaan Sh, Maxamed Xasan Gablax oo ka tirsan Barlamaanka Puntland degaan doorashadiisuna tahay Gobolka Mudug ayaa ka digey heshiis ay Guddiga gacanta ku haya dekedda Garacad la galaan shirkad laga lee yahay Dalka Imaaraadka Carabta, isagoo xusay in heshiis aan lagala tashan waxgaradka iyo bulshada gobolkaasi uu wiiqi doono xiriirka ka dhexeeya Imaaraadka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinayaa in 4-Xubnood oo kamid ah Saamileyda Shirkada ay u ololeynayaan in laga gado Dekeda Shirkad UAE laga leeyahay, iyadoo wararku ay tilmaamayaan in Dhamaadka bishaan gudaheeda Gudigaan iyo Mr.Deni ay safar ku tegi doonaan Magaalada Dubai si qalinka loogu duugo Heshiiska, Waxaana lagu wadaa ka hor in Guddiga oo ka kooban 9-Xubnood ay cod u qaadeen markii 8-aad muddo 2-sano gudahood in Saamiga ugu badan laga iibiyo Shirkad laga leeyahay UAE.

332300cookie-checkDigniino Laga soo Saaray in UAE lagu Wareejiyo Maamulka Dekada Garacad…