Ma Dhabaa in Wada Hadal Hordhac ay Yeesheen Somalia & Ethiopia & Sababta ka Dambeysa..

Africa News Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in kulankii ugu horeeyay oo hordhac ah ay yeesheen Saraakiil ka kala socota Dawladaha Somalia & Ethiopia, waxaana laga wada hadlaayaa Qaabka iyo qodobada salka ku haya wada-hadal lagu diyaarinayo Warmurtiyeedka laga soo saari doono kulan ay yeelan doonaan madaxweynaha Somalia & RW Ethiopia..

Xogtaan ayaa sheegtay in Saraakiisha labada dhinac ay isku fahmi waayeen sida loo dhigayo warka soo bixi doona is araga madaxda kadib, Saraakiisha Somalia ayaa doodeen in la qoro in laga laabtay Is afgaradkii 1-dii Jan ay kala saxiixdeen Abiy iyo Muuse Biixi, halka ay Ethiopia doonayso in la qoro uun in Madax banaanida Somalia la ixtiraamayo oo aysan ku xadgudbeyn.

Qabanqaabada Kulankaan ayaa Daaha gadaashiisa ay ka hagayaan Mas’uiyiin ka tirsan Dowladaha USA, UK, EU iyo Saraakisha AU-da, ujeedada ka dambeysa ay tahay sidii loo soo af jari lahaa Khilaafka ka dhashay heshiiskii Is-Afgaradka ee u dhaxeeyay Ethiopia iyo Maamulka Falaagada ee Waqooyiga Somalia kuwaasoo u saxiixay Ethiopia iney siiyeen dhul/Xeeb 20-Mail ah ee xeebta Lughaya.

309130cookie-checkMa Dhabaa in Wada Hadal Hordhac ay Yeesheen Somalia & Ethiopia & Sababta ka Dambeysa..