Ma Dhabaa in la Xiray 250-Akoono Xisaabeed Laga Xiray Kooxda Argagixisada

Somalia news

Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xamse Cabdi oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Masar ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalka dhinaca Dhaqaalaha ah ee ay Saraakiisha Baarayaasha Dowladda u xil saartay iney dabagal ku sameeyaan Hantida baada ay ku helern Kooxda Shabaabka..

Wasiirka 1-aad ayaa sheegay inay Horjoogayaasha kooxdani ay ka xireen 250 Akoon oo ay ku lahaayeen 4 Bangi, Wuxuuna intaa ku raaciyay inay sidoo kale xireen 70 number oo lacagaha loogu shubi jiray oo ay ku lahaayeen labada Shirkadood ee Hormuud iyo Dahabshiil ee magaalada Mogadishu.

Mr.Xamse Cabdi ayaa sheegay in xogta Lamberadaasi la xiray ay ka heleen Shacabka Soomaaliyeed, kadib markii dowladdu ay bishii Oktoober ee sankadii hore sameysay Lambaro ay soo wici karaan dadka ay Shabaabku soo weydiistaan lacagaha baadda ah, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la baarayo dhaqaalaha ku jira akoonada iyo Lambarada la xiray.

236760cookie-checkMa Dhabaa in la Xiray 250-Akoono Xisaabeed Laga Xiray Kooxda Argagixisada