Dilalka Joogtada Ah Ee Shacbiga Magaalada Muqdisho

Politics

3-sano ee ugu dambeysay Waxaa Maamulka Fadhiidka ee Villa Somalia uu ku geesinimo dhaliyay in Xoogaga amaanka ay dilal bareer ah oo joogto ah ka geysteen Magaalada Muqdisho, iyadoo aaney jirin cid Loo qabto Maxkamad Soo taaga kuwa Soo amrana aan xil laga qaadin…

Maamulka Farmaajo ayaa warbixino hordhaca ah oo la helay sheegayaan inuu si hoose ugu fasaxay in dilal joogto ah oo bareer ah laga geystay Magaalada, ilaa hadda Shaqsi loo soo qabtay Oo Maxkamad la Soo Taagay majirin, iska a ilow in loo raacdo Mas’uuliyiinta anarakaasi ku cadaadiya Dableyda hubeysan.

Toogashada Marxuumiinta Madiina (9-bilood uur leh) iyo Xasan, oo xalay ay Askari ka tirsan Saldhigga Boliiska degmada Boondheere ku dilay Abaarihii 7-da fiidnimo oo aheyd xilligii uu bilaabanayay bandow agagaarka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Abwaan ayaa ka tiriyay Tix “Dadkeeyna ma dhoohan yahay miyaan dhaayaheeynu arag dhagagurata nallaguwadyo cadawga dhaxdeena dagay Sideey u dhameeynaaan dhalaankiyo hooyadood.
Waxaan lama dhooran karo dhawaaqa ee kacaay, marqura dhiidhiyoo kacaay wixii dhiig lahoow Kaca damiirka intana dhiman waxii dhiig lahoow kaca”

29890cookie-checkDilalka Joogtada Ah Ee Shacbiga Magaalada Muqdisho