Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Dhuusa mareeb..

Politics

Xaalada Dhuusa mareeb:- waxaa xiligaan ka socda magaalada Dhuusamareb is-rasaaseyn goos goos ah oo u dhaxeeya Xoogaga Ahlu Sunnah iyo Maleeshiyaadka Kooxda Farmaajo, Waxaana jira warar sheegaya in ciidamada Ahlusunna ay qabsadeen qaybo kamid ah magaalada oo aysan horay u joogin, iyagoo qabsaday Saldhigga Boliiska degaanka Guricel…

Iyadoo Sidoo kale abaabulka iyo Gurmad xoogan ay dhinacyadaan dagaalamaaya ay gaarsiiyeen degmada, Waxaana la sheegay In Hogaanka Suufiyada ay heleen Gurmad iyo Gaadiid dagaal, halka kuwa Farmaajo la sheegay in Ku dhawaad labo boqol oo askari oo uu wato Horjooge Farax Qaroole  lafilayaa inay dhawaan gaaraan Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb si ay u Xoojiyaan Maleeshiyaadka Qorqor ee ka dagaalamaya magaalada Dhuusamareeb.

Horjeege Qorqor ayaa beeshiisa weydiistay Gurmad Maleeshiyo iyo Gadiid dagaal, waxaase ku adag halka ay soo mari lahaayeen, iyadoo Wadooyinka ku xeeran Magaalada Dhuusa mareeb ay Ciidamo iyo Gaadiid dagaal oo difaac ah dhigeen, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya iney doonayaan iney gaaraan degmada Cabud waaq, iyagoo isku uruursanaaya Tuulada Fadala-weyn oo u dhaxeysa Xanaan buure iyo Cabud waaq..

Horjooge Farmaajo ayaa amar ku siiyay Moryanka Qorqor inuu dagaalamo, sidoo kale wuxuu weydistay Hogaanka Oramada Ethiopia iney gurmad Ciidamo iyo Rasaas la soo gaaraan, isagoo Sidoo kale Maleeshiyaadka beeshiisa ee Cabud waaq iyo Balanbale ka dalbaday iney gurmad la gaaraan Magaalada Dhuusa mareeb waxeyna xiligaan isku uruursadeen tuulada fadala-weyn.

Dagaalkani xalay ayaa sheegay in lagu dilay Horjooge ka soo jeeda Degmada Buur hakaba lagu naaneyso “Magaradow”, Isagoo madax ka ahaa Ilaalada Qorqor iyo Kuwa Haramcad, waxaana la sheegay in Tiro dhaawacyo ah lagu hayo xarunta Gobolka ee uu degan yahay Horjooge Qorqor.

19440cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Dhuusa mareeb..