Dilalka Soomaalida Sweden Oo Korortay

World

Waxaa aad u kordhay falalka Dilalka ah Ee Dhalinyarada Soomaalida ku nool Dalka Sweden, taasoo walaac iyo cabsi ku abuurtay, Waalidiinta iyo Bulshada Soomaaliyeed, iyadoo baaqyo la xiriira Dhacdooyinkaasi laga soo saaray…

Sanadihii Ugu Dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay Kooxaha Burcadka Hubeysan ee Dhalinyarada Soomaalida Ee ku nool Dalka Sweden ay qeyb ka yihiin, kuwaasoo geysta Dilal ama iyaga la dilo, Kooxahaan ayaa la sheegay iney dagaalkoodu uu salka ku hayo Ganacsiga Mandooriyaha, iyagoo isku dhac dhexdooda ah ama kooxo kale oo ajaaniib ah ka dagaalama.

Waxaa sidoo kale jira falal dilal ah oo loo geysto Dhalinyaro Soomaali ah oo aan qeyb ka aheyn Kooxaha isku heysta Ka ganacsiga Mandooriyaha (Daroogada), sida wiil dhowaan lagu dilay, Waxaana dhacdooyinkaan welwel ka muujiyay Waalidiinta Soomaalida, iyagoo ugu baaqay Mas’uuliyiinta Dowladda iyo kuwa Amaanka iney wax ka qabtaan.

62160cookie-checkDilalka Soomaalida Sweden Oo Korortay