Dowlada Canada oo Dalkeeda ka tarxiileysa 150 qof oo Soomaali ah & Sababta..

Somalia news World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Go,aan ay Hey’adda Socdaalka ee Dowlada Canada ku gaartay in Dalkeeda ka soo masaafuriso tiro badan Oo Muhaajiriin Soomaaliyeed oo ay ku eedeeyeen iney si aan sharciga waafaqsaneyn ku galeen Dalkaasi (Tahriib), iyadoo Dalkaasi ay ku sugan yihiin Soomaali aad u badan…

Qoraal ay soo saartay Hey’adda ayaa lagu sheegat in “Dhallinyarada waxay Canada ku soo galeen Dokumentiyo aan sax ahayn, kuwaasoo tiradoodu ka badan tahay 150 qof” ayaa lagu yiri war ka soo baxay laanta socdaalka dalkaasi, markii baaris lagu sameeyayna sy Cadaatay iney Soomaali yihiin asalkooda.

Soomaalida ku nool Canada ayaa codsaday in Dowladda Federaalka ay soo faragaliso, oo ay hor-istaago qorshe ay Dowladda Canada ku doonayso inay Dalkaasi uga masaafuriso dhallinyaro Soomali ah, Mid kamid ah Dhalinyarada tarxiilka loo diyaariyey ayaa sheegay inay socdaan dadaalo lagu baajinayo in laga musaafuriyo dalka Canada, ayna u baahan yihiin inay soo farageliso Dowlada Federaalka.

276200cookie-checkDowlada Canada oo Dalkeeda ka tarxiileysa 150 qof oo Soomaali ah & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com