Meydka Sarkaal Oo Laga Helay Hoteel

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Meydka Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Ururka Madaxtooyada Villa Somalia, xalay laga helay Hoteel ku yaal Magaalada Muqdishu, iyadoo baaris la xiriirta Falkaan ay bilaabeen Hey’adda Dembi Baarista Boliiska…

Warar kala duwan ayaa laga helayaa Meydka Marxuum G/le Shariif Maxamuud Cali (Dofil), oo ka tirsanaa Ciidamada Ururka Boliiska Dableyda Madaxtooyada, Marxuumka ayaa ahaa Darawalkii Madaxweynaha Sheekh Shariif, kaasoo meydkiisa laga helay Hoteelka Ridwaan Ee ku yaal degmada Xamar Ja-jab ee Gobolka Benadir, Hoteelka ayaa ku dhow Bar laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada.

Dilka Marxuumka ayaa warar kala duwan ka soo baxaayaan, iyadoo la sheegay inuu Marxuumka Uu Hoteelka kula kulmay Haweeney, muddo kadibna ka baxsatay goobta, iyadoo Saraakiisha Baarista ay falkaasi u xireen tiro Maamulka iyo shaqaalaha Hoteelka, kuwaasoo su’aalo laga weydiinaayo Dhismashada Marxuumka.

62120cookie-checkMeydka Sarkaal Oo Laga Helay Hoteel