Share the post "Diyaarad Yar oo Drone ah oo Xalay Dul Heehaabeysay Hawada Madaxtooyada Villa Somalia & Rasaas lagu riday.."
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Diyaarad yar oo Nooca Drone-ka oo xalay fiidkii lagu arkay iyadoo dul heehaabeysa hawada Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia iyo Xaafada Siinaay, waxaana la sheegay in Ciidamada Madaxtooyada ay Rasaas qoryaha culus ku weerareen…
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Ciidamada ilaalada Madaxtooyada ay ka shakiyeen Diyaaradaan yar in weerar ka geysan karto Villa Somalia, waxeyna ku rideen rasaas culus , gaar ahaan qorayga loo yaqaan Dhashiikaha, taasoo cabsi xoogan ku abuurtay Dadka rayidka ah ee ku nool nawaaxiga Madaxtooyada.
Diyaaradaan Drone-ka oo looga shakiyay iney adeegsanaayeen Maleeshiyaadka kooxda Shababka isla markaasna ay xambaarsan tahay Bambooyin iyo walxaha qarxa, iyadoo ay horey u jirtay digniino laga bixinayay diyaarado Drone ah oo qaraxyo lagu fulin karo laguna weeraro rabo Xarumaha Dowlada iyo Garoonka Diyaaradaha, ilaa hadda lama soo sheegin khasaare ka dhashay.
Dhaqdhaqaaqa Diyaaradaan ayaa ku soo beegmay in dhawaan la filaayo inuu Caasimada Somalia gaar ahaan xarunta cusub ee Madaxtooyada uu soo gaari doono Madaxweynaha Turkiga, ku darsoo waxaa fashilmay Nidaamka Xuuraanka iyo lid xuuraanka Hey’adda NISA, iyadoo Hogaankeedu uu mashquul ku yahay arrimo ka baxsan Howlfulinta Nabadsugida.