Kulanka Golaha Amaanka oo looga Dooday Dagaalada & Barakicinta Shacbiga ee ka socota Magaalada Laas caanood

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay shalay ku yeesheen magaalada New york loogana dooday Dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Laas caanood ee Somalia kuwaasoo geystay Dhinaaho badan Dadka Rayidka soo gaartay & Dhaawacyo isla markaasna la barakiciyay Dadkii degenaa..

Wararka ayaa sheegay in Maamulka Muuse Biixi ayaa la gaarsiiyay farriin digniin ah oo la xiriirta xayiraad iyo cunaqabateyn lagu soo rogayo isaga iyo 10 xubnood oo kamid ah saaxiibadiisa Maamulka, Saraakiisha ku kugta leh iyo qoyskiisa.

Danjire Abuukar Baale ee Somalia ayaa warbixin siinayay Golaha Amaanka ayaa sheegay in weerar aan loo kala soocin lagu qaaday Dadka Rayidka ah iyo sidoo kale kaabayaasha bulshada, sida Xarumahz Caafimaadka, Dugsiyada iyo Masaajiyada, Baale wuxuu sheegay Dowladdu ay ka go’an tahay in baaritaan lagu sameeyo isamarkaana lagula xisaabtamo kuwa lala xiriirinayo inay ka dambeeyaan dhibaatadan.

243500cookie-checkKulanka Golaha Amaanka oo looga Dooday Dagaalada & Barakicinta Shacbiga ee ka socota Magaalada Laas caanood