Digiino Amni Ayaa Laga Soo Saaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Somalia news

Macluumaad Amni ayaa tilmaamaya in gudaha magaalada Baladweyne lagu dhex hayo gaari nooca jantadiyeeshe kaasoo looga shakisan yahay inuu laga soo buuxiyay Walxaha qarxa lana doonaayo in lagu dhibaateeyo Dadka Rayidka ah iyo Dhismayaasha Dowladda…

Sida ay sheegeen ilo wareedyo Wadaha Gaarigaan ayaa Dadka weydiinaya halka ay ka jirto buundo liiqliiqato marka loo tilmaamay dhanka ay jirto jidka loo maro ayuu garan waayay magaca wadada kadib waa dhaqaaqay ilaa iyo dhowr goobood uu istaagay ugu dambeyn wuxuu gaaray suuqa yoobsan.

Ilaa hadda lama yaqaano rarka saaran Gaariga, iyadoo maanka lagu hayo khasaarihii ka dhashay qaraxyadii ka dhacay magaalada, waxaa lagu wargelinayaa Shacbiga magaalada iney ka feeginaadaan oo yareeyaan dhaqdhaqaaqooda gudaha magaalada.

238720cookie-checkDigiino Amni Ayaa Laga Soo Saaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan