Dood ku Aadan Xilalka & Darajooyinka Qaraabada lagu Tixo oo Dib uga Soo Laba Kacleysay Baraha Bulshada..

Somalia news

Inkastoo Hogaanka Maamulka Villa Somalia lagu eedeeyo inuu dhiiri geliyo in Xilalka & Darajooyinka Dowladda Federaalka lagu tixo Qaraarada & Caruurta, ayaa hadda waxaa doodaasi dib uga soo laba kacleysay Baraha Bulshada, iyadoo ay hanjabaado hawada isku mariyeen 2-Xildhibaan oo Baarlamaanka ka tirsan…

Xildhibaan Cabdullaahi Kulane (Xiis-Mareexaan) ayaa bartiisa X soo dhigay Wareysi hore oo Madaxweynaha Dowladda Federaalka ku difaacaayo in Caruurtiisa ay xaq u leeyihiin iney Xilal ka qabtaan Dowlada Federaalka, wuxuuna qoray “waad ku mahadsan tahay wadaagista qaraabo kiilka qoto dheer iyo musuqmaasuq Hogaanka”.

Dadka Soomaaliyeed aad ayey u iloobaan wixii soo maray, waxaad ka faa’iidaysteen musuq maasuq, Nin jeclaysi iyo dambiyo kale oo badan oo ay ka mid yihiin in xarig, Dil qorsheysan & afduub sharci darro ah iyo ka horistaagid safar iwm oo magaca Dowladda ee Maamulkii Farmaajo lagu baneystay, waxaana mid ka mid ah Qoraalkiisa ku Eedeeyay Xildhibaan Kulane Jiis kaasoo lagu magacaabo Bashiir Shariif.

Wasiirka Bartoolka oo Shaqadii loo igmaday u raray Baraha Bulshada ayaa ugu hanjabay Xildhibaan Cabdullahi Aadan in “ aadan wax uga sheegi karin Xasaanada Xildhibaanimo Madaxweynaha, Wasiirka oo Qaraabo iyo Saaxiib la ah Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyaa inuu ka dambeeyay shaqo ka joojintii lagu sameeyay Samiira Gaid oo la-taliye ka aheyd Wasaarada ka tirsan Dowlada kadib markii ay dhaleyceyn u jeedisay Hogaanka Villa Somalia.

325320cookie-checkDood ku Aadan Xilalka & Darajooyinka Qaraabada lagu Tixo oo Dib uga Soo Laba Kacleysay Baraha Bulshada..