Xoogaga Somaliland oo Burburiyay Agabkii Shirkadda Biyaha Nugaal ee Laas caanood

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa falal burburin oo ay ku dhaqaaqeen Xoogaga Maamulka Somaliland ee kusugan aaga Goojacade ayaa shalay galab kadib markii ay gudaha u galeen dhismaha Wakaalada Biyaha ee magaalada Laascaanood oo ku dhow agagaarka Fariisinkaasi…

Wararka ayaa sheegay in qaar ka mid ah Saamileyda Maamulka ayaa sheegay in bilowgii dagaalka goobtan oo ku taalay agagaarka Goojacade ay tagi-waayeen shaqaalaha, ilaaladii joogtayna ay ka cayriyeen Xoogaga Somaliland, balse qaar ka mid ah madaxdooda lala xariiray oo ay Ma’uuliyiinta Shirkada si gaar ah ugala hadleen si qalabka aan waxyeelo usoo gaarin maadaama uu yahay maalgashi Ganacsato.

Balse waxey si bareer u burburiyeen Xoogaga Somaliland qeybihii shirkadan iyo qalabkii, iyagoo bililiqeystay dhammaan agabkii shirkada, horey ayeey Isbitaalka guud iyo Wakaalada Korontada ayay u burburiyeen Maleeshiyaadka Muuse Biixi.

245520cookie-checkXoogaga Somaliland oo Burburiyay Agabkii Shirkadda Biyaha Nugaal ee Laas caanood
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com