Dib Ugu Laabashada Gobolada Dhexe Ee Madaxweynaha Ma Dib u Habeyn Dhab ah baa Dagaalka Mise Dhooltus..

Somalia news

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Somalia uu dib ugu laabto magaalada Dhuusa mareeb kadib markii fashil iyo hakad uu galay dagaalka gaar ahaan Beelo ka lug jiidaaya iney si dhab ah dagaalka u galaan kuwaasoo qaarkood la sheegay iney dhaqaale ku bixiyeen dib u gurashada..

Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxwaynaha ujeedka ugu wayn ee degaanada Galmudug ugu laabanaayo ay tahay sidii loo sii ambaqaadi lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada Shabaabka, iyadoo weli aan la xalin waxa sababay dib u dhac iyo khilaafka.

Saraakiisha Ciidamada ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxey ku howlanaayeen abaabulka soo dhawaynta Madaxweynaha ee tagaya qaar kamid ah Magaalooyinkii horey looga qabsaday sida Xaradheere iyo Ceel dheer oo ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgudud.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in suuurtagal ay tahay in Madaxweynaha uu isbedel ku sameeyo Hogaanka Ciidamada ee ku sugan Degaanada Galmudug kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay Ciidamada & Xoogaga Degaanka kaasoo horseeday dib u gurashada.

318510cookie-checkDib Ugu Laabashada Gobolada Dhexe Ee Madaxweynaha Ma Dib u Habeyn Dhab ah baa Dagaalka Mise Dhooltus..