Doorshada Bugta Ah Ee Konfurta Galbeed Iyo Mucaaradka Oo Fiirsanaaya.

Politics

Howlwadeen ka tirsan xafiiska Madaxtooyada ayaa sheegay in Qorshihii Dib u soo laabashada Farmaajo uu ka hirgalay Gobolada Galmudug iyo Konfurta Galbeed, kadib markii doorasho bug ah laga sameeyay..

Qorshahaan ayaa la sheegay in Guddoomiyaha cusub ee Baarlabaanka Koofur Galbeed laga dhigo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, Cali Saciid Faqi si loo hubiyo xildhibaanada cusub ee ka soo galaayo Federaalka dowlad goboleedka Koofur Galbeed ay u noqdaan kuwo leysku haleyn karo.

Cali Saciid Faqi ayaa waxaa dowladdii hore u magacowday Safiirka Midowga Yurub sanadkii 2015, waxaana soo baxday markii la doortay Madaxweyne Farmaajo inuu ka mid ahaa Xubnihii hoosta kala shaqeynayay Farmaajo ee qiyaanay Maamulkii Xasan Sheekh Maxamuud.

Markii uu la wareegay xafiiska MW Farmaajo ayaa wuxuu u magacaabay agaasimaha Madaxtooyada Cali Fiqi si ku meel gaar ah, taasoo markii dambe uu u magacaabay Agaasimaha Guud Abukar Baalle oo ay saaxibo dhow yihiin MW Farmaajo.

Markii ayaa la shaaciyay Xildhibaanada labaad ee Maamulka goboleedka Koofur Galbeed taasoo uu kasoo dhex muuqday Cali Saciid Faqi oo lagu wado in uu noqdo Guddoomiyaha Baarlabaanka Koofur Galbeed maalmaha soo socda.

Cali Fiqi ayaa colaad ba’an kala dhexeysaa isaga iyo Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan taasoo dhowr jeer uu isku dayay Cali Fiqi in uu noqdo xildhibaan uu iska hor istaagay Shariif Xasan.

Mucaaradka Maamulka Farmaajo ayaa u muuqda ku dusha ka daawanaaya qorshaha Dib u soo laabaahada Maamulka Fashilmay ee Villa Somalia, iyadoo aysan jirin qorshayaal muuqda oo ila hadda ay ku mideysan yihiin sidii looga hakin lahaa damaca Mr.Farmaajo.

23130cookie-checkDoorshada Bugta Ah Ee Konfurta Galbeed Iyo Mucaaradka Oo Fiirsanaaya.