Fly-Dubai Oo Loo Diiday Iney Ku Degto.

Travel

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in diyaaradda Fly Dubai ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta loo diiday inay maanta ku degto garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport…

Wararku Sheegaya in Hey’adda Sadaasha hawada ee Somalia ayaa amar ku siisay duuliyeyaasha diyaaradda in aan loo ogoleyn inay ku degto gudaha Dalka, iyadoo la fulinayo amarkii lagu joojiyay diyaaradaha caalamiga muddo 15 cisho, si looga hortago cudurka Coronavirus.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Diyaaradda Fly Dubai oo siday rakaabkeeda ay dib uga laabatay hawada Hargeysa, iyadoo u hoggaansantay amarka la siiyay.

Wariyeyaal ku sugan Hargeysa ayaa soo sheegaya in diyaaradda oo maanta la filayay inay soo cagadhigato garoonka diyaaradaha Cigaal ay ka laabatay hawada, kaddib amar lagu siiyay in aanay degi karin.

Dowladda Soomaaliya ayaa labo sano ka hor la soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya, iyadoo garoonka Muqdisho u yaallo qalab lagula socdo diyaaradaha hawada Soomaaliya soo gala iyo kuwa ka dega garoomada gudaha dalka.

23100cookie-checkFly-Dubai Oo Loo Diiday Iney Ku Degto.