Drones-ka Ciidamada Mareykanka Oo Nabadoon & Wiilkiisa ku Dilay Gobolka Hiiraan

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa sheegay in Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku safraayay Gaari Toyoto Prado ah, kana soo kicitimayay Magaalada Buulo burte ee Gobolka Hiiraan, ayaa weerar ku qaaday Diyaarad kuwa Drones-ka ah oo laga leeyahay Ciidamada Mareykanka kana howl gasha Gobolada dhexe ee Somalia…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com newsu sheegtay in Gaarigaan uu ku sii jeeday Degaanka Buq-Aqable oo ay maamulaan Kooxda Argagixisada Shababka, ayaa waxaa saarnaa Nabadoon Yuusuf Fiidow iyo Wiilkiisa Ibraahim Yuusuf, waxeyna ka mid ahaayeen 4-qof oo Drones-ka USA Army ay ku dileen Gaariga, Howlgalkaan duqeynta ah ayaa la fuliyay habeen hore.

Waana Duqeyntii 2-aad ee Diyaaradaha Drones-ka Ciidamada Mareykanka weeraro lagu xasuuqay Dad rayid ah laga geystay 2-jeer todobaad gudihiis, Tv-ga Diwladda Somalia ayaa qoray in Nabadoonka lagu dilay Miino dhulka loo geliyay ( Fiiri sawirka twitter-ka) iyadoo midii hore ay ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose, Duqeyntaan ayaa ku soo beegmatay xili uu Madaxweynaha Somalia Booqasho ku joogo dalka Mareykanka.

213850cookie-checkDrones-ka Ciidamada Mareykanka Oo Nabadoon & Wiilkiisa ku Dilay Gobolka Hiiraan
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com