Share the post "Dowlada Federaalka oo Daah-furtay Xeerka Qaxootiga iyo Magangaliyo doonka.."
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dowladda Federaalka ayaa markii ugu horreysay bixisay Aqoonsiga Qaxootiga iyo Magan-gelya Doonka kadib Ansixinta Xeerka Qaxootiga, iyadoo Xaflad lagu maamuusaayo gudoonsiinta Aqoonsiga Qaxootinimo lagu qabtay Magaalada Mogadishu..
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah Aqoonsigooda u guddoonsiiyay qaar ka mid ah Qaxootiga ku nool magaalada Mogafidhu Kaarka Aqoonsiga, iyadoo Daahfurka xeerkaan lagu qabtay xarunta Hay’adda Qaxootiga Qaranka ayaa ka dhigan in Somalia oo kasoo kabanaysa colaado sokeeyo uu muddo dheer hareeyay ay hadda mangalyo siineyso qaxooti iyo Dad ajnabi ah oo dalalkooda kasoo cararay.

Wasiir Cali Xoosh oo furay xaflada Aqoonsiga Qaxootiga ayaa u mahadceliyay Guddoonka Hay’adda Qaranka, wuxuuna yiri” Waxaan bogaadinayaa Guddoonka Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan Guddoomiyaha Hay’adda Mudane Axmed dedaalka aan joogsi lahayn oo aad galiseen arrinka aan maanta halkaan u joogno iyo guud ahaan shaqada la taaban karo oo aad ka qabteen arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed”.