Xoogag Hubeysan Oo Dib Ugu Soo Laabtay Xaafado Ka Tirsan Mogadishu

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Xoogag Hubeysan oo ka tirsan Ciidamada diidanaa muddo kororsiga ee maalmo ka hor ka yimid gobolka Sh/dhexe ayaa xalay jid-gooyo iyo caro tuur ku xiray qaar ka mid ah jidadka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, ilaa hadda lama fahmin sababta keentay dib u soo noqoshadooda…

Xoogagaan Hubeysan oo maalmo ka hor dib ugu noqday degaanka geed-timirka ayaa xalay mar qura la arkay, iyagoo dib u soo degay xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid, waxeyna isla xalay bilaabeen iney ciid ku jaraan jidadka oo sida wararku sheegayaan uu hogaaminayo Horjooge lagu magacaabo Saney Cabdulle oo labada dhinac Ee is haya xiriir la wada leh.

Warar qaarkood ayaa sheegaya in Qorshaha Xoogagaan Hubeysan dib loogu soo celiyay Degmada Yaaqshiid ayaa lagu fasiray iney qeyb ka tahay qorshe lagu xoojinaayo Amaanka Sheekh Shariif oo marka uu dib ugu soo laabto Magaalada Mogadishu u guuri doona Hoteelada ku yaal agagaarka Isgoeyska Fagax.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa haatan degan, inkastoo aysan weli meesha ka bixin dhiiladii colaadeed ee maalmahan ka taagneyd kadib warkii Wasiirka 1-aad uu shaaciyey in laga laabtay muddo kororsiga, lana qabanayo doorasho dadban, iyadoo dhinaca kale madaxda Galmudug iyo Hishabelle ay ka soo horjeesteen muddo kororsiga, waxaase shaki geliyay Horjoogaha Villa Somalia.

114990cookie-checkXoogag Hubeysan Oo Dib Ugu Soo Laabtay Xaafado Ka Tirsan Mogadishu