Maxaa Ka Dhab ah Gudoonka BFS ay Qorsheeyeen in Bedelo Shaqaalaha Xafiisyada Baarlamaanka

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa isku dayo ay Hogaanka Gudoonka Baarlamaanka Federaalka ku doonayaan in isbedel lagu sameeyo inta badan Shaqaalaha Xafiisyada Baarlamaanka kuwaasoo la qoray xiligii Maamulka Farmaajo…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Isbedelkaan ay wada gaareen Gudoomiyaha iyo Kuxigeenka 1-aad, waxaa la qorsheeyay in mark hore la bedelo Agaasimaha Waaxda Maamulka & Maaliyada Sihaam Saciid Yuusuf kadibna ku dhowaad 40-Shaqaale oo darajooyin kala duwan leh laga joojiyo Shaqada.

Wararka ayaa sheegay in Gudoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha guud ay ka biyo diideen hirgelinta Qorshahaani, iyadoo Khilaafkaan uu gaaray Madaxweynah Dowlada Federaalka, lana rajeynaayo inuu wax ka qabto Xiisadaani taagan.

205000cookie-checkMaxaa Ka Dhab ah Gudoonka BFS ay Qorsheeyeen in Bedelo Shaqaalaha Xafiisyada Baarlamaanka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com