Dowlada Federaalka Oo Dejisay Qorshe Looga Maarmaayo Ciidamada Ethiopia ee ka Howlgala Gobolada Konfurta…

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Qorshe ay dejisay Dowlada Federaalka xiliga kala guurka ee dhamaadka Sanadkaan oo ku eg Muddo xileedka Howlgalka ATMIS, iyadoo sidoo kale ay diyaarisay Qorshe cusub oo Ciidamada AU-da qeyb kaga noqonayaan howlgal cusub oo Sanadka cusub bilaaban doono..

Wararka ayaa sheegaya in Howlgalkaan cusub ay qeyb ka noqon doonaan Ciidamada Kenya, Uganda, Djibouti iyo Burundi, waxaana qorshahaan cusub laga reebay Kumanaan ka tirsan Ciidamada Ethiopia oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS ee howlo kala duwan oo ka kooban Ciidamo, Boliis iyo Xubno rayid ah kuwaasoo oggolaasho ka heystay Golaha Amaanka ee AU-da iyo Golaha Amaanka ee QM.

Xiriirkii Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Ethiopia iyo Somalia ayaa heerkii ugu hooseeyay gaaray, kadib markii 01-kii January ee Sanadkan Masmulka Abiy uu la saxeexday Heshiis Is-afgarad ah Maamul Goboleedka Somaliland, kaasoo si sharci darro ah Maamulka Hargeysa ugu oggolaaday inay Badda ka hesho Saldhig Milatari oo la kireeyo si ay Somaliland aqoonsi u hesho.

Xogo aan la xaqiijin ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Ciidamada Ethiopia ay bedeli doonaan Ciidamo ka tirsan Dalka Eritrea kuwaasoo lagu wado iney Dalka soo gaaraan dabayaaqada Sanadkaan, waxaana lagu wadaa iney ka howl galaan Gobolada Bay, Bakool, Gedo iyo Hiiraan ee Somalia.

329570cookie-checkDowlada Federaalka Oo Dejisay Qorshe Looga Maarmaayo Ciidamada Ethiopia ee ka Howlgala Gobolada Konfurta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *