Imtixaanaadkii Shahaadiga Degaanada Puntland oo dib loo Dhigay…

Somalia news

Wasaarada Waxbarashada Maamulka Puntland ayaa shaacisay xiliga rasmiga ah ee sanadkaan uu bilaabalaanyo Imtixaamka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sare ee degaanada Puntland, iyadoo lagu wado inuu bilaawdo bilowga bisha 6-aad…

Wararka ayaa sheegay in 10-ka bisha 6-aad ayaa lagu wadaa inuu ka bilaawado Gobolada iyo Degmooyinka degaanada Puntland, iyadoo u muuqato in sanadkaan dib looga dhigay xiligii loo fariisan jiray, waxaa la qaban jiray 25-ka bisha 5-aad, iyadoo lagu fasiray dib u dhigaasi qabashada Doorashada degaanka.

Ku dhowaad 30-kun oo arday ah ayaa lagu wadaa iney u fariistaan Imtixaanka, waxaana lagu dhaliilay iney ka gaabiyeen iney barnaamij jiheyn ah oo shaqo abuur ah iyo mashruuc shaqo abuur ah u diyaariyaan Ardayda ka soo qalin jebisay Dugsiyada iyo Jaamacadaha.

258580cookie-checkImtixaanaadkii Shahaadiga Degaanada Puntland oo dib loo Dhigay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com