Dowlada Federaalka oo ka Digtay Maalgelinta iyo Dhaqaale siinta Kooxaha Argagixisada..

Security Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Dowlada Federaalka oo ka digtay Maalgelinta iyo Dhaqaale siinta Kooxaha Argagixisada ee ka howlgala Degaanada Gobolada qaarkood, waxeyna sheegtay iney ciqaab adag mudan karaan Ganacsatada iyo Gadisleyda dhaqaalaha ku taageera kooxahaan…

Madal ay kasoo muuqdeen Wasiirada Amniga Gudaha iyo Awqaafta oo soo bandhigay aragti mideysan ayaa shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen magaalada Muqdisho waxaana ku biiray Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, iyagoo (Howlwadeenada) dul istaagay in Ganacsade kasta oo lagu helo inuu dhaqaale siiyay ama si uun ula shaqeeyay Argagixisada Shabaabka “in laga qaadi doono tallaabo sharci ah,” oo ay ku jirto in lagala noqdo ruqsadaha ganacsi ee ay dowladdu siisay.

Dhawaan Howlgal ay Hey’adaha Amaanka fuliyeen waxay ku guulaysateen iney xiraan 250-Akoon oo Bangi oo ay kooxdaasi lahaayeen, sidoo kale waxey xanibeen 70 kale oo xisaabaad ah oo lacagaha mobilada ah ay ku lahaayeen Horjoogayaasha Maleeshiyada Shababka, Ololahaan ayaa xiligaan u muuqda mid hakad iyo habacsanaan galay dhanka Dowlada Federaalka.

Laamaha Amaanka iyo kuwa Maaliyada waa awoodaan iney helaan Macluumaadka iyo xog faahfaahsan oo ku saabsan shakhsiyaadka si toos ah ama si dadban u maalgeliya kooxaha sida Argagixisada Shsbabka iyo Daacish, qofna ma baxsan karo doono ciqaab la’aan, haddii lagu helo inuu ku lug leeyahay “maalgelinta argagixisada nooc kasta oo ay tahay.

360010cookie-checkDowlada Federaalka oo ka Digtay Maalgelinta iyo Dhaqaale siinta Kooxaha Argagixisada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *