Duulaankii Kooxda Shababka ee Xuduuda Ethiopia Kadib Waa Maxey Qorshaha Dhashay

Somalia news

Dhamaadkii bishii hore ee Luulyo boqolaal ka tirsan malayshiyaadka al-Shabaab ayaa weeraro qorsheysan kaga talaabay isla markaasna gudaha u galay Ethiopia, iyadoo ujeedkoodu ahaa iney gaaraan buuraha Baali halkaasna saldhigyo ka sameysteen…

Qorshahaan duulaanka Kooxda argagixisada ma aheyn mid iska mid yimid, balse xaqiiqdii wuxuu ahaa Startejiyad muddo dheer ka wada shaqeeyeen Kooxaha Shababka iyo kooxaha Mucaaradka hubeysan ee Oromada kuwaasoo Boqolaal Dhalinyaro ah loogu tababray 6-8 bilood ee u dambeysay gudaha konfurta Somalia.

Hadaba, dagaalkaasi kadib Dowladda Ethiopia ayaa bilowday iney fara gelin ku sameyso Arrimaha gudaha ee Somalia, waxeyna Saraakiil Sirdoon iyo kuwooda Ciidamada u kala dirtay Maamulada Gobolada gaar ahaan Hargeysa, B/Weyne iyo Baydhabo, iyadoo sidoo kale todobaadkaan iney tagaan Garoowe, waxeyna dib u soo cusbooneysiiyay nidaamkii kala qeybinta.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa diyaarad Ciidamada Ethiopia ka qaadey Baydhabo waxaana uu shalay oo jimce ah gaarey halkaas oo u wadahadal la yeeshay saraakiisha Abiy Axmed, Safarka Laftagareen waxaa lagu wadaa inuu xigi doono wakhti aan fogeyn Saraakiil ka tirsan Maamulada Waqooyiga, Puntland iyo Maamulka magaalada B/weyne ku tagaan heshiisna iskaashina la gaaraan Ethiopia.

205960cookie-checkDuulaankii Kooxda Shababka ee Xuduuda Ethiopia Kadib Waa Maxey Qorshaha Dhashay