Tiro Musharixiin ah Oo Baadi goob ugu jira Xildhibaano & Senataro Dhaqaale ka Qaatay

Somalia news

Qeylo dhaan iyo cabasho xoogan ayaa ka soo yeereysa tiro Musharaxiin u tartamaayay Xilka Madaxweynaha Dowlada Federaalka kuwaasoo dhaqaale badan siiyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Dowlada Federaalka, isla markaasna si hal-haleel ah uga baxay Caasimada..

Xogtaan ayaa warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Musharaxiinta kala ah Mr.Caddow Cali Gees, Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Cali Kheyre, Sheekh Shariif iyo kuwo kale ayaa Magaaladda Muqdisho ka baadigoobaya tiro Xildhibaanno oo ay hormaris ahaan u siiyeen dhaqaale u dhaxeeya 30-Kun-50-Kun US$ balse aan u codeyn.

Wararka ayaa sheegay in 90-Xildhibaan iyo Senataro ayaa 4-maalmood ee u dambeysay ka cararay Caasimada kadib markii ay dhowr Musharax ka qaateen dhaqaale, waxaana soo shaac baxaaya tiro Xildhibaanno ah cabasho ka keenay iney noloshoodu khatar ku jirto lacagihiina cunay, halka inta badan Xildhibaanada ay u carareen Dalka dibadiisa si ay u naftooda u badbaadsadaan, Xildhibaankaagu ma ku jiraa kuwa lagu raad joogo?

190280cookie-checkTiro Musharixiin ah Oo Baadi goob ugu jira Xildhibaano & Senataro Dhaqaale ka Qaatay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com