Dowlada Federaalka oo Sare u Qaadeysa Sharciyo la Xiriira Aalada AI iyo Adeegsiga Anshaxa Baraha Bulshada..

Somalia news

Inkastoo 2-dii todobaad ee u dambeysay ay Xoogaga Amaanka ee Caasimada Mogadishu ay howlgalo lagu bartilmaameedsanaayo Dhalinyarada isticmaasha Baraha bulshada kuwaasoo lagu eedeeyay iney Anshax xumo iyo kicin dagaal beeleedyo lagu soo eedeeyay isla markaasna aan la horgeynin Maxkamad..

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Dowlada Federaalka Mr.Maxamed Aadan Cali ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay wado qorshe lagu hormarinaayo Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyada Dalka, dhiiri gelinta iyo kor u qaadista xirfadaha Dhijitaalka, sare u qaadista ICT iyo sidii loo diyaarin lahaa sharciyo Maamulka Garaadka ee AI, maadama ay teknoolojiyada ay xowli ku socoto loona baahan yahay in Dhalinyarada Somalia ay dhowraan Anshaxa adeegsiga Baraha Bulshada.

Dalka ayaa xiligaan laheyn Sharciyo lagu xakameynaayo Ilaalinta anshaxa isticmaalka Baraha bulshada, iyadoo waayayaan dambey ay aad u kordheen Dhalinyaro aad u d’doodu hooseyso iyo kuwo Qaan gaar ah oo iska duubaaya muqaalo isla markaasna dhiiri gelinaaya iney lagu daydo taasoo ka horimaaneysa Dhaqanka suuban ee Somalia iyo Diinta Islaamka, Hey’adaha Amaanka iyo Garsoorka waxaa looga fadhiyaa iney xakameyaan Dhalinyaradaan oo xarumo dhaqan celin loo diyaariyo si looga horjoogsado Faafinta Muqaalada Anshaxooda hooseeyo.

329400cookie-checkDowlada Federaalka oo Sare u Qaadeysa Sharciyo la Xiriira Aalada AI iyo Adeegsiga Anshaxa Baraha Bulshada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com