Xildhibaanada Galmudug Oo Ka Horyimid Go’aanada Qorqor Ee Xulista Senatorada

Somalia news

Gudoonka iyo Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug, ayaa ka horyimid qorshe u qarsanaa Mr.Qorqor oo kaasoo uu u xiri doono Shaqsiyaad Xubnaha Senatorada u sharaxan, iyadoo looga digay in qorshahaasi ay ka hor imaanayaan Hanaanka Dowlad wanaaga iyo shuruucda u degan Galmudug…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inta badan Xildhibaanada Galmudug (50) Xildhibaan ayaa ka digay in shaqsiyaad loo xiro Musharaxnimada Senatorada oo dhowaan laga qaban doono Magaalada Dhuusa mareeb, waxaana si gaar ah looga digay in kuraasta Senatornimada Ee Beelaha Habar gidir, Murusade iyo Waceysle loo xiro Shaqsiyaad Villa Somalia xiriir dhow la leh.

Galmudug ayaa xiligaan u muuqata mid ku jirta Fool Siyaasadeed dhicis ah taasoo laga cabsi qabo iney ku hagto wadada burburka iyo dagaal sokeeye iyo kala fogaashaha Beelaha wada dega Degaanada Galmudug, Mr.Qorqor ayaa go’aansaday inuu kuraasta u xiro Shaqsiyaad iskana dhego tiro Baaqyada loo jeedinaayo.

133150cookie-checkXildhibaanada Galmudug Oo Ka Horyimid Go’aanada Qorqor Ee Xulista Senatorada