Ciidamo Tigray Ah Oo Amisom Hubka Ka Dhigtay

Somalia news

Sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee Reuters, ciidamada Nabad Ilaalinta Ethiopia ee kusugan Somalia ayaa la sheegay in hub ka dhigis lagu sameeyay, Ciidamada oo tiradoodu lagu sheegay inta u dhaxeysa 200-300, sababo la xariira dagaalka kasocda gobalka Waqooyiga Ethiopia ee Tigray….

Wakaalada ayaa sheegtay in ay warkan kasoo xigatay Diblumaasiin iyo Ilo wareedyo xaga Amaanka ah oo kusugan gudaha dalka Somalia, waxaana ciidamadan ay sababsadeen in ay isku dayeen ficilo ay taageero ugu muujin lahaayeen kooxda TPLF, iyagoo xabsiga loo taxaabay.

Ilo wareedyada ayaa xaqiijinaya in Taliye kuxigeenkii ciidamada Ethiopia ee kusugnaa Somalia uu hadda xabsi ku jiro oo ay xireen taliska ciidamada dalkaas, loona gudbinayo magaalada Addis Ababa, maadaama loo haysto dambiyo la xariira inuu qeyb ka ahaa weerarkii lagu qaaday Saldhigii ciidamada Ethiopia ee Waqooyiga ku yaalay.

Dhanka kale 76-Saraakiil Sare oo ka soo jeeda Gobolka Tigray kana tirsanaa Wasaarada Gaashandhiga Ethiopia ayaa sidoo kale xilalkii laga qaaday isla markaasna xabsiga la dhigay, iyadoo dagaal aad u qaraar uu xiligaan u dhaxeeyo Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Tigray, kaasoo dhaliyay dhimasho iyo barakac balaaran.

73340cookie-checkCiidamo Tigray Ah Oo Amisom Hubka Ka Dhigtay