Share the post "Dowlada Federaalka oo Shaaca ka qaaday in 11,500 Xujay Soomaaliyeed ah ay sanadkaan Xajin doonaan…"
Wasaarada Awqaafta & Arrimaha Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in Boqolaal kamid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan H-1446 gudanaya waajibaadka Xajka ayaa gaartay Dalka Sucuudiga halkaasoo soo dhoweyno kala duwan ay ugu sameeyeen Madaxda Qunsuliyadda iyo Mas’uuliyiin kale…
Wararka ayaa sheegaya in Tirada Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan ayaa gaareysa 11,500 oo Qof, kuwaasoo ka baxaya Garoomada Diyaaradaha Magaalooyinka waawayn ee Dalka, taasoo qaadistoodu ay socon doonto illaa 31-ka bishan May, iyadoo u muuqata in tirada Xujeyda Sanadkaan ay ka badan doonto sanadihii tagay.
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo kaashanaysa guddiga Xamlada iyo Safaaradda Somalia ee Dalka Sucuudiga ayaa ka shaqeyneysa in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si hufan u gutaan waajibaadka xajka ee sanadkan Hijriyada 1446.