ONLF Oo Diiday Ka Qeyb Galka Doorashada Degaanada Soomaalida

Somalia news

Wararka hordhaca ah Ee laga helaayo Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Ururka ONLF ay sheegeen iney go’aan ku gaareen Hogaanka Xisbigooda iney uu isaga hareen wareegga 2-aad ee doorashooyinka soo socda oo lagu waday iney qabsoomin 30-ka bishan..

Wararka ayaa sheegaya in go’aankan la gaaray dhowr sababood dartood, Madaxa Ururka Mr.Cabdi Mahdi ayaa sheegay “Cabashadenna waxba lagama qaban, taageerayaasheenna looma diwaan gelin inay codeeyaan, inta badanna kaararka codbixinta waxaa lagu koobay xubnaha xisbiga talada haya,” isagoo raaciyay, “Wax micno ah ma sameyneyso cayrsashada doorasho mar hore la go’aamiyay.”

Warar kale ayaa sheegaya in Xisbiyada kale ay go’aansaday la mid ah mid kaan gaareen kadib markii Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka loo diiday in la diiwaangeliyeen, talaabadaan ayaa u muuqata mid Doorashada ka dhigi karta mid aan loo dhameyn.

141470cookie-checkONLF Oo Diiday Ka Qeyb Galka Doorashada Degaanada Soomaalida