Faahfaahin:-Qaraxa ka dhacay Hotel Pescatore  Mogadishu

Somalia news

Dabley hubeysan ayaa xalay weerar qarax is miidaamin ah ku billowday ku qaadday, Hotel lagu magacaabo Pescatore, oo ku yaalla inta u dhaxeysa Hotellada Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido Magaalada Muqdisho, kaasoo la soo warinayo inuu sababay khasaare dhimasho & Dhaawacba…

Sida la xaqiiyay, Xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobollada Sool iyo Sanaag, oo uu wehliyay Taliyaha Ciidanka Boliiska, Cabdi Xasan Xijaar, ayaa kulan ku lahaa Huteelka, xilligii uu dhacayay weerarka, waxaana la soo badbaadiyay iyaga oo bad qaba, inkastoo Ilaalada Taliyaha ay goobta ka baxsadeen markii uu qaraxa dhacay.

Ku dhawaad 10 ruux ayaa la sheegayaa in ay geeriyoodeen, halka tobaneeyo kalana dhaawac soo gaaray, dadka ugu badan ee waxyeelladu gaartay ayaana ah dhallinyarada ku shaqeysta mootada [Bajaaj] iyo askarta ilaalada ah ee Mr.Xijaar la socotay.

Xogaha hordhaca ah ee ku saabsan khasaaraha, waxa ay muujinayaan, in dadka ku dhaawacmay weerarkaasi, uu ka mid yahay, Taliyaha Ciidanka Birmadka ee Boliiska, Mr.Siyaad, kan Saldhigga Degmada Cabdicasiis & saraakiil ciidan.

Kooxda Xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, ayaa durba sheegatay weerarkaan ka dhacay degmada Cabdicasiis, waxayna xuseen in ay ku beegsadeen Mas’uuliyiin isugu jirta Saraakiil iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.

184590cookie-checkFaahfaahin:-Qaraxa ka dhacay Hotel Pescatore  Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com