Dowlada Federaalka Waa Iney Dalka Ka Ceyrisaa Danjiraha Denmarka & Sababaha…

Politics Somalia news

Waxaa Marag ma doonto ah in Siyaasiyiinta Danleyda ah ee Xiligaan Shaashada saaran ay ku kala aragti duwan yihiin wadiiqooyinka loo maraayo fib u dhiska Dowladnimada Dalka, laakin Go’aanada iyo argtiyada ay soo jeedinayaan waa kuwo sii kala fogeynaaya Dowlad dhiska Dalka oo dhibaatooyin badan laga soo maray, iyadoo ay laga xumaado ay tahay in la kala saari waayo Dan guud iyo Mucaaridnimo xaasinimi ku dhisan…

Dulucda Maqaalka

Wasaarada Arrimaha Dibada Dowlada Federaalka ayaa barwo u dirtay Danjiraha Dawladda Denmark u jooga Somalia, isagoo laga dalbatay inuu yimaado xarunta Wasaaradda Arrimaha dibada 19-ka Bishaan November, si wax looga weydiiyo hadalo uu ka jeediyey magaalada Hargeisa, markii uu ka hadlayay kormeerkii doorashadii SL ka dhacday todobaadkan, oo uu korjoogtadii caalamka ka mid ahaa.

Ku Darsoo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa bartiisa X soo dhigay Qoraalka Wasaarada Arrimaha Dibeda ee loogu yeeray Danjiraha Denmark wuxuuna si kooban u qoray (Dowladnimo caro ky dhisan) hoos ka eg:-

Sooyaalka Taariikgeed ee Danjiraha Denmark ee Somalia, Mr.Steen Sonne Andersen, Danjirihii Denmark u fadhiyay Dalka Burkina Faso🇧🇫 ayaa laga ceyriyay dalka sababo la xiriira eedeymo ah inuu faragelin ku sameeyay arrimaheeda gudaha gaar ahaan ku lug lahaanshaha Isbaheysiga Sahel iyo xiriirka Faransiiska. Dowlada Federaalka ee🇸🇴 waa in aan talaabo adag ka qaadnaa.

349950cookie-checkDowlada Federaalka Waa Iney Dalka Ka Ceyrisaa Danjiraha Denmarka & Sababaha…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com