Rugta Ganacsiga Hir-Shabelle Oo Ganafka Ku Dhuftay Go’aanka Wasiirka Ganacsiga

Somalia news

Rugta Ganacsiga ee Dowlad goboleedka Hir-Shabelle, ayaa kasoo horjeesatay go’aankii kasoo baxay Wasiirka Ganacsiga Ee Dowladda Federaalka 28-kii bishii December ee sanadkii tegay ee 2020 ee lagu kala dira Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed….

War qoraal ah oo ka soo baxay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Hirshabeelle Mr.Cabduqaadir Abuukar Cumar ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankii Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Somalia ee lagu kala diray Rugta Ganacsiga uu ahaa mid qaldan, isla markaana uusan awood u laheyn isla markaasna uu hareer maray xeer hoosaadka Rugta Ganacsiga.

Sidoo kale Qoraalka Guddoomiye Cabduqaadir Abuukar ayaa waxaa lagu caddeeyay inay ku kalsoon yihiin Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed oo ay sheegeen inay u shaqeeyan si hufan, ayna taageersan yihiin, kana soo horjeedan tallaabadii la qaaday.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Hirshabeelle ayaa sharci darro ku tilmaamay Guddiga KMG ah ee Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Khaliif Cabdi Cumar u magacaabay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in Hirshabeelle aysan qeyb aheyn Guddigaas.

84060cookie-checkRugta Ganacsiga Hir-Shabelle Oo Ganafka Ku Dhuftay Go’aanka Wasiirka Ganacsiga