Ma Dhabaa In Agaasimaha NISA Uu Qabanaayo Xaflad Xil Wareejin ah

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ah ayaa sheegay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay uu Adeege Fahad Yasin waday qabanqaabada xaflad uu xilka ku warewjinaayo Agaasinka Hey’adda NISA, xafladaan ayaa lagu wadaa iney Maanta ka dhacdo Xarunta Nabadsugida..

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqijiyay in la qorshaynayo inuu Adeege Fahad Yasin xilka iska casilo madaama ay xasarad ka dhalatay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee uu u qaaday dalka Eritrea, taasoo fadeexad weyn ku noqotay maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, sidoo kale wuxuu qorsheystay inuu isku sharaxo Kursiga #HOP086 ee yaala Magaalada Jowhar, si uu xasaanad ugu helo dembiyadii uu galay 4-tii sano ee ugu dambeysay.

Dhinaca kale, Dhagar wane Cabdullahi Kulane alias (Jiis-mareexaan) oo ku magacaaban kuxigeenka NISA ayaa la sheegay inuu ka guuray xarunta NISA, madaama ay xaalada Amaan ay ku xumaatay, waxaana la sheegay in markii ugu dambeysay lagu arkay garoonka Aden Cadde, isago oo isu diyaarinayay inuu dalka dibadisa u dhoofo sida ay sheegen ilo xogogal ah.

124020cookie-checkMa Dhabaa In Agaasimaha NISA Uu Qabanaayo Xaflad Xil Wareejin ah