Dowlada Somalia oo Codsatay in Qorshaha cusub ee Ciidamada AU-da aan lagu soo darin Ethiopia..

Africa News Somalia news

Dowladda Federaalka ayaa ku hanjabtay iney Dalkeeda ka saari doonta kumannaan ka tirsan ciidamada Ethiopia ee ku sugan gudaha, si ay gacan uga geystaan ​​Amaanka dhammaadka sanadkan, haddii uusan Maamulka Addis Ababa meesha ka saarin heshiiska muranka dhaliyay ee Dekeda ay kula jirto Maamulka gooni gooska Somaliland, sidaas waxaa sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Dowladda..

Khubarada dhanka Amaanka iyo Diblomaasiyiintaa Shisheeye ayaa sheegay in tallaabadan ay halis dheeraad ah ku tahay xasiloonida Somalia, maadaama Ciidamada maxalliga ah aysan awoodin inay buuxiyaan booska amniga, taasoo ay u badan tahay inay ka faa’ideystaan ​​kooxda Argagixisada Shabaabka ee xiriirka la leh Al Qaacida.

Ugu yaraan 3,000 oo Askari oo Ethiopuan ah ayaa ku sugan Degaano ka tirsan Dalka, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika (Atmis) ee dagaalka kula jira kooxaha Argagixisada oo ka talisa qeybo badan oo ka mid ah Somalia, halka tiro lagu qiyaasay 5,000-7,000 ay ku sugan yihiin Tiro Gobolo ah sida uu dhigayo heshiis laba geesood ah.

Haddii ay burin waayaan (heshiiska) ka hor dhamaadka bisha June, ama marka la go’aamiyo waajibaadka cusub ee howlgalka, dhamaan Ciidamada Ethiopia, Atmis iyo kuwa kaleba, waa iney ka baxaan Dalka dhamaadka Decembar ee Sanadkaan, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, Ethiopia ma la noqon karto xulufo Somalia, dhanka kale iney Xeebaha iyo Dhulka Somalia xoog ku boobto.

Somalia ayaa rajeyneysa in qorshe Hawlgal cusub oo nabad ilaalin ah oo tiro yar la filayaa in lagu dhawaaqo dhamaadka bisha June, iyadoo Dowladu ay codsatay in Ethiopia aysan ka mid noqon Dalalka ay Ciidamadaasi ka joogaaya Dalka, sida ay sheegeen AU iyo Diblomaasiyiin Afrikaan ah oo si dhow ula socda qorshahaan.

329960cookie-checkDowlada Somalia oo Codsatay in Qorshaha cusub ee Ciidamada AU-da aan lagu soo darin Ethiopia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *