Kulankii Farmaajo Iyo Madoobe Oo Lagu Kala Kacay

Somalia news

Kadib kulan 2-saacadood qaatay oo Magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray Mr.Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu kala kacay, kadib markii Qodobo qaarkood lagu heshiin waayay…

Furitaankii kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyne Qoorqoor, waxaana markii dambe la isugu keli yeelay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Fashilka kulanka ayaa yimid, kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu ka biyo diiday inuu dib uga laabto tallaabadii uu Axmed Madoobe ugu aqoonsaday laba sano oo ku-meel-gaar ahi inuu yahay Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay in Dastuurka Jubbaland uu qeexaayo in hay’adaha maamulka ee la doorto uu muddo xileedkoodu yahay afar sano, isla-markaana aanu isagu jebin karin shuruucda u degsan Jubbaland.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay inaanay shacbiga Soomaaliyeed u baahnayn cid kala qaybisa, oo ay u baahan yihiin cid ka caafimaad qabta waxyaabaha dib u dhaca ku keeni kara.

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu Magaalada Dhuusa mareeb la tagay Kooxaha sheeko Siyaasadeed beenta ah u dhisa (Narrative) iyo Borabagaanadada si uu u khaldo Shacbiga iyo Hogaamiyayaasha Maamulada Gobolada.

49050cookie-checkKulankii Farmaajo Iyo Madoobe Oo Lagu Kala Kacay