Dib u Dhacyada Kulanka Dib u Heshiisiinta Konfur Galbeed & Carqaladeynta Laftagareen iyo Kooxdiisa

Somalia news

Magaalada Baydhabo ayaa in muddo waxaa ka socday Dadaalo nabadeed oo lagu doonaayo in lagu Heshiisiiyo Maamulka muddada ka dhamaatay iyo Kooxaha Mucaaradka, sidii loo qaban lahaa Shir guud oo xal looga gaaro khilaafka taagan si Nabad ah….

Wararka ayaa sheegay in Dadaaladii uu waday Gudoomiyaha Baarlamaanka in muddo ah ayaa waxaa ku biiray Madaxweynaha Somalia, iyadoo dadaaladaan uu salka ku hayo sidii la isku soo hor-fariisin lahaa Lafta gareen iyo Kooxaha Mucaardka loona qaban lagaa Shir dib u heshiineed oo go’aan siyaasadeed looga gaaro is-qabqabsiga ka taagan muddo kordhinta halka sano ah.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Lafta gareen iyo taageerayaashiisu ay ka go’an tahay iney carqaladeeyaan furitaanka Shirka su wakhtiga ugu lumiyaan, wuxuuna diyaaraaday kooxo soo basaasa Xubnaha mucaaradka ee magaalada ku sugan kuna cabsi geliya iney ugu hanjabaan Dil iyo Afduub, wuxuuna dalbaday in Kaamirooyin lagu xiri goobaha shirar lagu qabanaayo si dhaqshaqaaqyada uu ula socdo.

Howlgalka ayaa la sheegay iney qeyb ka yihiin 50-Haween ah oo loo carbiyay iney macluumaan ka uruuriyaan ergada shirka ka qeyb galeysa, kuwaasoo laga soo qaaday Mogadishu iyo Addis abeba lana dejiyay Hoteelada Magaalada, wuxuuna qorshahaan u xil saartay Duqa magaalada Baydhabo Cabdulaahi Watiin iyo Cabdulqaadir Daahir “White Boy” ka mid ah Saraakiisha Saadka Ee Hey’adda WFP kaasoo soo kireystay Khabiiro ku xeel dheer fulinta howlagadaan ayna ka mid yihiin Sirdoonka Ethiopia.

237620cookie-checkDib u Dhacyada Kulanka Dib u Heshiisiinta Konfur Galbeed & Carqaladeynta Laftagareen iyo Kooxdiisa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com