Dowladda Federaalka oo Hakisay Qeyb ka mida Canshuurtii Gadista ee lagu soo rogay Isbitaalada Mogadishu…

Health Somalia news

Fashfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Muran hareeyay Canshuuro lagu soo rogay Bukaanada booqanaaya Isbitaalada ka howlgala Caasimada Somalia, iyadoo Ololahaan loo arkay mid meel ka dhac ku ah Dastuurka & Shuruucda Dalka u degsan, looguna baaqay in laga fiirsado dhaqan gelinta….

Dowladda Federaalka ayaa joojineysa qeyb ka mida Canshuurta Gadista oo dhawan lagu soo rogay Shacbiga magaalada Muqdisho, kadib markii diidmo lagala hor yimid, Isbitaallada gaarka ah ee caasimadda ayaa diiday iney canshuurtaasi ka qaadaan Bukaanada ay u adeegaan, waxayna hore u soo saareen War-Saxaafadeed ay ku shaaciyeen inay dhaqan gelineynin Canshuurtan, iyadoo loo xiray 4-Agaasime Isbitaal.

Xiriir dhex maray Mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyada iyo Madaxda Isbitaalada Mogadishu oo uu ka mid ahaa kulankii 27 August dhex maray ayaa looga dooday arrintaan, iyadoo Wasaaradda Maaliyada ayaa ogolaatay inay dib ula noqoto Canshuurtaan, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda uu sheegay inuu soo bixi doono go’aan canshuurta looga reebayo Dadka Bukaanada ah.

Diidmada ka hor timid qeyb ka mida Canshuurta Iibka (Vat) Dowladda Federaalka kusoo rogtay Shacbiga magaalada Muqdisho ayaa caddeyn u ah inaan markii hore laga fiirsan qaabka loo qaadayo iyo Dadka ay saameyneyso waxaana soo baxaaya khaladaad badan iyo in Canshuurta si qorsheysan aan markii horeba loo soi abaabulin.

341790cookie-checkDowladda Federaalka oo Hakisay Qeyb ka mida Canshuurtii Gadista ee lagu soo rogay Isbitaalada Mogadishu…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *