Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo Duqeyn ka Geystay Degaano ka tirsan Gobolka Gedo..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Duqeyn culus Diyaaradaha Dagaalka Dalka Kenya ay ka grysteen degaano hoosta Gbolka Gedo ee Maamulka Jubbaland, iyadoo Weerarkaan ay geysteen Xalay iyo Saakay, waxaana ka soo baxaaya khasaare ka dhashay..

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaaya in Duqeymaha diyaaradaha dowladda Kenya inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday laba ruux oo Shacab ah oo magacyadooda lagu kala sheegay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Cabdullaahi iyo nin magaciisa lagu soo koobay Miskiinow iyo dhaawac soo gaaray tiro dad Shacab ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo diyaaradaha Kenya ay duqeymo noocaan oo kale ah ay ka geystaan deegaano ka tirsan gobolka Gedo, waxaana xusid mudan in horay tiro dhowr jeer ah ay duqeymo kaga geysteen deegaano ka tirsan gobolkaas ayna ku dhinteen dad shacab ah iyo xoolo farabadan.

264520cookie-checkDiyaaradaha Dagaalka Kenya oo Duqeyn ka Geystay Degaano ka tirsan Gobolka Gedo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com