Hey’ad Soo Saartay Warbixino La Xiriira Tacadiyada Wariyayaasha

Somalia news

Warbixin ay soo saartay Hay’adda CPJ ayaa lagu sheegay in tirada saxafiyiinta xabsiyada ku xiran ay gaartay heerkii ugu sareysay Adduunka sanadkan 2021, waxeyna daabacday in tirada saxafiyiinta la xirey sanadkan ay gaartay 293 weriye caalamka oo dhan marka la xisaabiyay 1-dii December ee sanadkan…

Ugu yaraan 24 saxafi ayaa la dilay sababo la xiriira tabintooda, 18 kalena waxa ay ku dhinteen xaalado aad u adag in la go’aamiyo in loo beegsaday sababo la xiriira shaqadooda, ayay CPJ ku sheegtay sahan sanadeedkeeda xorriyadda saxaafadda iyo weerarada ka dhanka ah warbaahinta.

In kasta oo sababaha xariga saxafiyiinta ay ku kala duwan yihiin wadamada, tirada rikooradu waxay ka tarjumaysaa kacdoonada siyaasadeed ee aduunka iyo dulqaad la’aanta sii kordheysa,“Tani waa sannadkii lixaad oo xiriir ah oo CPJ ay diiwaangelisay tiradii ugu badneyd ee saxafiyiinta lagu xiro caalamka,” ayuu agaasimaha fulinta ee CPJ Joel Simon ku yiri hadal uu soo saaray.

“Tiradu waxay ka tarjumaysaa laba caqabadood oo aan kala sooc lahayn – dawladuhu waxay go’aansadeen inay xakameeyaan oo ay maareeyaan macluumaadka, waxayna sii kordhayaan geesinimada dadaalkooda si ay sidaas u sameeyaan.”

155220cookie-checkHey’ad Soo Saartay Warbixino La Xiriira Tacadiyada Wariyayaasha