Dowladda Federaalka oo Mar Kale Sheegtay iney Duqeyn ka Geysteen Duleedka Degmada Qandala..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dowladda Federaalka oo Mar Kale Sheegtay iney Duqeyn ka geysteen Duleedka Degmada Qandala, aroortii hore ee subaxnimadii jamcaha lala beegsaday fariisimo ay Daacish ku lahaayeen deegaannada Afcad iyo Sheebaab oo ka tirsan Degmada Qandala..

Somalia ayaa sheegtay in howlgalkaas ay fuliyeen Ciidamada Qaranka oo garab ka helaya Mareykanka, ayna dib ka faahfaahin doonto khasaaraha loo gaystay kooxda Daacish, sida lagu sheegay bayaan kooban oo lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka Dowladda.

Xuuraano la helay ayaa xaqiijinaaya in Ciidamada Soomaalida ah ee ka qay bqaatay howlgalka ka dhacay Buuraha Calmiskaat ee Gobolka Bari ay yihiin ciidamada PSF ee fadhigoodu yahay magaalada Boosaaso, iyadoo Maamulka Deni uu beeniyay warkaasi.

Waa markii labaad oo maalmo gudahood ay Dowladda Federaalku sheegato howlgal ka dhacay Degaannada Puntland, 26-kii May ayeey sheegtay howlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo Saaxiibada caalamka in lagu bar-tilmaameedsaday xero ay kooxda shabaabku ku la haayeen buuraha Calmadow.

329530cookie-checkDowladda Federaalka oo Mar Kale Sheegtay iney Duqeyn ka Geysteen Duleedka Degmada Qandala..