Takoorka lagu hayo Beelaha Laga Tiro badan yahay ee Waaxyaha Amniga iyo Cadaalada ee Xulashada Xilalka..

Somalia news

Warbixino laga diyaariyay Takoorka lagu hayo Beelaha Laga Tiro badan yahay ee Waaxyaha Amniga iyo Cadaalada ee Xulashada Xilalka ayaa la sheegay wiiqeyso Dadaallada soo kabashada Nidaamka Dowladeed, iyadoo lagu eedeeyay Maamuladii Hogaaminta Dalka soo maray ineysan ilaalin…

Warbixinta ayaa lagu xusay in Dowlada Federaalka oo muddo dheer ku jirtay takoor ka dhan ah beelaha laga tirada badan yahay iyo bulshada kale ee la heyb sooco gaar ahaan beesha Bantuga iyo Jareerta oo siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba aan matalaad sax ah ku laheyn.

Maqaam la’aanta siyaasadeed ee beelaha laga tirada badan yahay ee Soomaalida ayaa weli xaalkeedu yahay mid ba’an, bulshadaan ayaan ka muuqan heerarka Maamul ee Degmo, Gobol, Maamul Goboleed iyo heer Federaal marka laga reebo tiro yar oo Xildhibaano iyo Hal Wasiir, waxaana aad loogu ciilaa dhanka Cadaalada iyo Garsoorka oo lagu rido Xukuno cadaalad darro ah.

Garsoorka Ciidamada ayaa Dhawaan ku riday Laba xukun Sareeye ka soo jeeda Beelaha Jareerka, xukunkaasi ayaa khubaradu ku tilmaameen mid ay gadaal ka riixeysa Villa Somalia, Xaalada Cadaalad darro ee Sheegow ayaa la sheegay iney heysato muwaadiniin badan kuwaasoo ka soo jeeda beelaha laga tiro badan yahay.

Khubarada arrimaha Garsoorka ayaa ka digay iney sii socoto Cadaalad darrada lagu hayo Muwaadiniintaan, halka Mad’uuliyiin iyo Saraakiil Sar-sare ka tirsan Ciidamada lagu eedeeyay iney Warbixino iyo Saad u gudbiyaan Kooxaha argagixisada aan talaabo sharciga waafaqsan laga qaadin, kuwaasoo qaarkood beelahooda Hubeussn dartood loo qaban la’yahay.

285950cookie-checkTakoorka lagu hayo Beelaha Laga Tiro badan yahay ee Waaxyaha Amniga iyo Cadaalada ee Xulashada Xilalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com