Deni Oo ku Fashilmay Dadaalo uu ku doonayay inuu ku Horistaago Diyaarad Sahay siday

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa muujinaaya in Dadaalo uu Dani ku doonaayay inuu ku horistaago Diyaarad kuwa Qumaatiga u kac oo laga leeyahay Militeriga Mareykanka, sahayna u siday Ciidamada Danab ee Magaalada Gaalkacyo uu fashil ku yimid, kadib markii Ciidamada Garoonka diideen amarkiisa..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Saraakiisha Sirdoonka Ethiopia ay culeys ku saareen Mr.Deni inuu hor istaago iney ku degaan Diyaarada (Helicopters) Ciidamada Mareykanka garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo oo ay maamulaan Xoogaga Puntland, ayaan darrase waxaa ganafka ku dhuftay Saraakiisha garoonka kuwaasoo fasaxay diyaarada.

Mr.Deni ayaa mudadii uu hayay Xilka Madaxweynaha Puntland wuxuu soo bandhigay hab-dhaqan kaligii taliye ah isla markaasna aan la fulin karin amar ama go’aan aan xafiiskiisa ka soo bixin ama lagu wargelin, talabadaan ayaa la xusay iney dib u dhac u keentay hanaanka ay u howl galaan Hey’adaha dowliga ah.

228830cookie-checkDeni Oo ku Fashilmay Dadaalo uu ku doonayay inuu ku Horistaago Diyaarad Sahay siday
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com