Duqa Magaalada Toronto Oo Calanka Somalia Ka Taagay Hoolka Magaalada

Somalia news


 Duqa Magaalada Toronto ayaa calanka Somalia ka taagay Hoolka Magaalada Toronto jimcihii lasoo dhaafay si loogu xuso Maalinta xoriyada Soomaaliyeed…

Duqa Toronto Mr.John Tory waxaa ku weheliyey munaasabad Mr.Faysal Xasan oo katirsan siyaasiyiinta Soomaalida Canada islamarkaana xubin ka ah Golaha Sharci dejinta ee Ontaariyo iyo xildhibaan Yvan Baker.

Duqa magaalada John Tory ayaa sheegay in waxa ugu horreeya ee uu ka arko bulshada ay tahay doorka qoyska, inta badan hooyooyinka Soomaaliyeed.

Faysal Xasan, ayaa weydiistay dowlada Kanada inay aqoonsato kaalmada dhaqaale, bulshada iyo dhaqanka ee Soomaalida-Kanadiyaanka ku nool gobolka Ontaariyo.

Waxa uu yidhi, “In sidaas la yeelo waxay abuureysaa fursad xiiso leh oo loogu dabaaldego dhaqanka, luuqadda iyo taariikhda quruxda badan, iyo in la aqoonsado tabarucaada badan ee dadka Soomaalida-Kanadiyaanka ah ee Ontaariyo ku nool.”

Faysal Xasan ayaa ah qofki ugu horreeyay ee Somali-Canadian ee loo doorto baarlamaanka deegaanka. “Maanta waxaan u dabaal dagaynaa xorriyadda, taas oo dad badan oo Soomaali ah ay u dirireen, hadana waxaa la joogaa waqtigii aan ka fekeri lahayn mustaqbalka,” ayuu yidhi.

Sanadihii la soo dhaafay, Soomaali-Kanadiyaanku waxay u dabaaldegi jireen madax-bannaanida Soomaaliya. Balse aafada COVID-19 darteed, waxaa inta badan la joojiyay xafladihii la isugu imaan jiray xuska iyo tartamadii loo qaban jiray maalmaha qaran.

Munaasabadda sanadkaan ayaa astaan u ahayd sannad-guuradii 30-aad ee Toddobaadka Soomaalida.

44620cookie-checkDuqa Magaalada Toronto Oo Calanka Somalia Ka Taagay Hoolka Magaalada