Galmudug Iyo Puntland Oo Heshiis Gaaray

Somalia news

Hogaanka Maamulada Galmudug iyo Puntland Oo Wada hadalo ku lahaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ayaa ugu dambeyntii waxey Soo saareen qoraal iney ku heshiiyeen talo mideysan ka yeeshaan Arrimaha Amniga iyo Doorashada iyo Siyaasada ee Somalia…

War-saxaafadeedka ka soo baxay kulanka Oo ka koobnaa 11-qodob, ayaa nuxurkiisa ahaa Xoojinta Iskaashiga Labada Maamul, waxaana lagu go’aano yay in la joogteeyo shirarka noocyadaan oo kale ah, si looga wada arrinsado danaha iyo derisnimada ka dhaxeysa, iyadoo ay isla meel dhigeen iney mowqif mideysan ka yeeshaan xaaladaha Siyaasada iyo Amniga dalka.

Iskaashiga an ay ku heshiiyeen Galmudug iyo Puntland ayaa ku soo beegmay, xili uu Dalka cagta saaray xaalad kala guur ah iyo Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka Oo ka hor qiratay in Xiligaan aan la qaban karin Doorasho, waxeyna talo ku soo jeedisay in laba nooc Oo Doorasho midkood la qaato, mid dhacda Bisha May 2021 iyo mid dhacda August 2021.

44570cookie-checkGalmudug Iyo Puntland Oo Heshiis Gaaray