Dagaal Xoogan Oo u Dhaxeeyo Maleeshiyo Beeleedyo Ka Socday Degmada Qorooley..

Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa Dagaal Beeleed ka socda Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana la sheegay inuu ka dhashay khasaare Nafeed, burbue hantiyeed iyo barakac Dadka Rayidka oo uga qaxeen Guryahooda sababo la xiriira Dagaalka labada Beel…

Wararka ayaa sheegaya in Dirirtaan xoogiisa uu maanta ka socdo xaafada Buulo Siidow, kaasoo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa guud ee magaaladaasi, Muqaalo laga soo qaaday gudaha magaalada ayaa muujinaya degmada Haawaneysa, isla markaana cidlo ah, maadaama dagaalka si weyn looga dareemay halkaasi.

Colaadaan ka taagan Degmada oo u dhexeyso labada beelood ayaa todobaadii u dambeeyay ka taagnayd, waxaana fashilmay dadaallo lagu xalinayay labada dhinac, iyadoo Dagaalka Magaalada ay culeyska ku sii kordhineyso Maamulka Konfur galbeed oo lagu eedeeyay inuu maamulkiisa ku soo koobay magaalada Baydhabo.

Waxaana todobaadyadii u dambeeyay dagaalo beeleedyo ka dhaceen Degmooyinka Baraawe, Buur hakaba, Wanlaweyn iyo Degmada Diinoor, iyadoo ilaa hadda aysan jirin Cid ska xil saartay joojinta dagaal beeleedyada, kuwaasoo salka ku hayo arrimo badan oo is biirsaday Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamulkana lagu eedeeyay iney qeyb ka yihiin dagaalada qaarkood.

321930cookie-checkDagaal Xoogan Oo u Dhaxeeyo Maleeshiyo Beeleedyo Ka Socday Degmada Qorooley..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *