Eedeyn Loo Jeediyay Maamulka Villa Somalia

Politics

Qoraal ay soo saareen Hogaankii Kooxda Ahlu Sunnah ee Gobolka Galguduud ayeey ku sheegeen ineysan qeyb ka aheyn “Waxaa Dowlada ka wado Degaanada Galmudug…

War-saxaafadeedkaan laguma carabaabin talaabooyin gooni ah, balse dhawaaqaan ayaa imaanaya xili ay heshiiyeen Garabyadii isku heystay Maamulka Galmudug, ee ay kala hogaaminaayeen Xaaf iyo Qorqor.

Qoraalkaan oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiyay Diinah.com ayaa lagu sheegay inuusan jirin heshiis ay la galeen Villa Somalia iyo Maamulka ay musuqmaasuq ku dhiseen ee Mr.Qorqor, waxaana lagu eedeeyay Villa Somalia iney ka soo horjeedo heshiiskii Jabuuti.

Maamulka Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in Degaanada Galmudug ay ku abuureyso Kooxaha argagixisada ee Shabaabka iyo Daacishta, iyagoo Hogaanka Kooxda Ahlu Sunnah ay cadeeyeen iney la soo horjeedaan.

Ugu dambeyntii waxey ugu baaqeen Wakiilada beesha Caalamka iyo Kooxaha daneeya arimaha Somalia in “wixii Mas’uuliyada xumo ah ee ka dhalata Degaanada Galmudug ay arrinkaasi ay qaadi doonto Maamulka Farmaajo.

28150cookie-checkEedeyn Loo Jeediyay Maamulka Villa Somalia